Skip to content
Romance - Contemporary

$25.00 Regular price
Unit price
per 

Ebyan, Waqti iyo Waayaha Jacayl - SOMALI Edition

ISBN: 9798218090487
Binding: Paperback
Author: Fadumo Yusuf
Pages: 282
Trim: 6 x 9 inches
Published: 01/07/2023

Waa sheekadii jacayllo miyi iyo magaaliyo, mahuraan dhulkeenniyo, ilaa iyo Maraykan la lagdamayay waqtiga iyo waayaha aduunka.

Qalbigii jab, uu qoomay waqtigoow, qaabkee laguu daweeyaa? Waa buug hoga tusaalaynaya dhayida qalbiga, hanashada himilada, iyo ka kabashada waqtiga iyo waayaha cakiran.

Qalbiyahow i dhegayso,

Qofka aanad xumaynin,

Qalbigaagana siisay,

Nolol aad la qorshaysay,

Idinkoo aanan qawl iyo,

Wax qilaafa isdhaafsan,

Qaxankaan ku gubaayiyo,

Kuu quudhay dhibaato,

Warqad aad u qortaa iyo,

Qawl calaacali toona,

Marna kuuma qabtaane,

Wacadkiinni haduu qubay,

Qaadirkaa talasaaroo,

Qosolkiisa qurxoon iyo,

Qawlkiisa qaboow iyo,

Araggiisa ka quusoo,

Qub xusuusaha kaydkaa,

Ha qaateen daadadkii iyo,

Duurjoogta qadhaabsane.

Ā 

Faadumo Yuusuf oo loo yaqaanno "Derbi" waa injineerad ka shaqaysa hindisidda iyo soosaaridda qalabka caafimaadka. Faadumo waxay baratay cilmigaĀ Mechanical EngineeringĀ oo ay shahaadada heerka koobaad eeĀ Bachelor of ScienceĀ (University of St. Thomas) iyo heerka labaad eeĀ Master of Science-ba (University of Minnesota) ku qaadatay.

Faadumo waa qoraa curisa noocyada kala duwan ee suugaanta, tix iyo tiraabba. Waa qoraaga buuggaĀ Ayan, of the Lucky.Ā Ebyan, Waqti iyo Waayaha JacaylĀ waa buuggii labaad ee ay Faadumo qortay. Waana buuggii koowaad ee ay afkeeda hooyo, Af Soomaali, ku qortay. Taas oo qiimo weyn iyo farxad dheeri ah Faadumo u leh.

Marka aysan wax qorayn, Faadumo waxay jeceshahay in ay akhriso buugaagta, in ay barato tafsiirka Quraanka, in ay barato dhaqanka Soomaalida, iyo in ay ku lugayso meelaha dabiiciga ah ee magaalooyinka ka baxsan. Faadumo waxay aad u xiisaysaa barashada iyo ilaalinta afkeeda, dhaqankeeda, iyo diinteedaba.


Fadumo Yusuf (better known by her nickname,Ā Derbi) is a Somali American multilingual author, engineer, and cultural-identity advocate. She is the author of Ayan, of the Lucky and Ebyan, Waqti Iyo Waayaha Jacayl.

Fadumo worked in the medical device industry as an engineer where she worked on developing new medical technologies. She obtained Bachelor of Science in Mechanical Engineering from University of St. Thomas and Master of Science in Mechanical Engineering from University of Minnesota.

Ā 

"Buuggan oon hal fadhi ku akhriyay runtii aad ayuu ii soo jiitay. Buugan waa sheeko faneed xambaarsan cashiro qarsoon oo la rabo in akhristuhu la soo baxo. Ebyan waa gabadh aqoon diin iyo mid maadiba leh, waa gabadh jacayl xumad badan sita la wadaagaysa Hanad. Ebyan waxay in badan maraysaa wadooyin kala gadisan oo ay marka hore ku baadi goobayso jacaylkeeda siday ooga midha keeni lahayd, marka labaadna waxay bidhaamin ku samaynaysaa arimo saamayn kuleh ruux kasta- dhaqan, samir, iyo Alle oo la tala saarto." - Dr. Nuur Xassan, qoraaga buugga Between a Rock and a Hard Place

"Ebyan, Waqti iyo Waayaha Jacayl aad ayaan uga helay. Waxaan aad u sii dhex galay, indhahana la sii raacay, sida ay ustaadah Faadumo Yuusuf u kala shaandheesay mowjadaha dareenka Jaceylka ay lammaanuhu isugu soo biya shubtaan dareen laxaweedkoodana ay isku weydaarsadaan, waxaan dhihi karaa buuggan waa buug ay ku duugan yihiin xikmado aad u tiro badan. Sidoo kale waxaan jecleystay sida wanaagsan ay Ustaadah Faadumo u kala dhig dhigtay fahamka wanaagsan ee aaydaha Qur'aanka iyo cilmiga uu dhiganahan xanbaarsan yahay." - Cumar Maxammad, qoraaga buugga Jacayl Aan Dhamaad Laheyn

"Ebyan, Waqti iyo Waayaha Jaceyl waa buug ay ku duuganyihiin casharo badan oo nolosha dhinacyo badan ka taabanaya. Marka laga yimaado qisada jaceyl ee dareen tabadka ah, waxaa ashqaraar leh qaab qoraalka cajiibka ah ee qoraagu kusoo gudbinayso quruxda dabiiciga ah ee deegaanka, iyo sida ay kuu hor keenayso muuqaalada cajiibka ah ee buugga ku jira. Qoraagu waxay adegsatay cilmi aad u gun balaadhan, oo aan mar iyo laba toona lagaga boganayn. Cilmigaas oo anfacaya nafaha iska dabiibaya dhaawacyada waayaha aduunku ay ku reebeen. Waan hubaa qof walba oo bilaaba akhriska buugga Ebyan, in uuna dhigayn ilaa uu ka dhameeya." - Abwaan Maxamad Iid Cismaan

"Buugga Ebyan, Waqti iyo Waayaha Jacayl , oo ah buug jacyl iyo sheeko-faneed, waxaan aad u jeclaystay qaabka xirfadda ku dheehan oo ay isugu dheelli-tirtay Qoraa Faadumo Yuusuf, dhaqanka, jacaylka, diinta iyo qaabka nafta loo dajiyo loona dabiibo, qaab-jacaylka da'yarta maantay iyo jacaylladii hore ee taariikha-ga ahaa. Waa farriimo qiimo badan oo sheekadu xan-baarsantahey, waa shooko-maskax maal ah oo qoraagu ay tuujisay maskaxdeeda, da'yartana ay ugu tusaalaynayso in jacaylka iyo diinta barashadeedu is-diidayn." - Sh. Maxamed Shucayb, Aasaasaha Bayan Research Center of America

Ā 

Availability

x